290 views

Shaqaale Ciidanka Cirka ee Qaranka iyo Engineers

Job Expired

Ogaysiis

Fursad shaqo oo ka banaan Ciidamada Qaranka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

Xafiiska Nabadgelyada DDS waxuu la socodsiinayaa dhammaan dhalinyarta deegaanka kunool in ay ka faaiidaystaan fursad shaqo oo ka baannaan ciidamada Qaranka  ee JDFI oo ah Ciidamada Cirka  & injineero,

19 Ciidanka Qaranka kamid noqda iyo 32 Engineer oo kamid noqda qaybaha kala gadisan ee ciidanka JDFI.

Hadaba, Cidii buuxin karta shuruudahan hoos kulifaaqan waxaan la socdsiinaynaa in ay iska soo diwaan galiyaan xarunta boolis ee ugu dhaw  laga bilaabo 1da bisha Sane  ilaa 10ka bisha Sane

  • Goobta diwaan galinta: Xarumaha qabaleeyada & booliska ee dhammaan degmooyinka & gobolada DDS.
  • Waqtiga diwaan galinta: laga bilaabo 1da bisha Sane ilaa 10 ka bisha Sane.
  • Shuruudaha Guud
  • Waa in uu yahahy qof ayid san dastuurka wadanka islamarkaasna diyaar u ah in uu u adeego shacabka
  • Waa in uu yahay qof aan xubin ka ahayn urur siyaasadeed
  • Waa in uu yahay qof aan hada kahor ka mid noqon boolis ama ciidanka qaranka
  • Waa in uu yahay qof aan kiis maxkamadeed ku soconin
  • Waa in uu yahay qof itoobiyaan ah.
  • Waa in uu yahay qof balwad aan lahayn oo dhaqan wanaagsan
  • Waa in uu yahay qof diyaar u ah shaqadii loo diraba in uu qabto
  • Waa in uu diyaar uyahay in uu bixiyo adeeg mudo dhan laba jibbaar mudadada uu waxbaranayay.
  • Waa in uu yahay qof caafimaad qaba diyaarna u ah in baadhitaan caafimaad lagu sameeyo
  • Waa in uu yahay qof aan guursanin, caruurna aan dhalin
  • Waa in uu shuruudahaas kor ku xusan ka soo cadeeyaa qabalaha iyo xarunta booliska ee degmada ama qabalah uu deganyahay.
  • Xaalada Caafimaadka Jidhka
  • Da’diisu waa in ay tahay 18-24 sano
  • Waa in uu yahay qof jidhkiisu caafimaad qabaa oo aan melena kajabnayn
  • Waa in uu yahay qof aan wax nabar ah kulahayn indhaha, dhagaha, ilkaha, & bishimaha.
  • Waa in uu ka caafimaad qabaa cudurada sida qaaxada, macaanka, dhiig karka, baabasiirta, IWM.
  • Xubnaha noqonaya injineerada waa in uu dharerkiisu yahay 160 CM ragga 155 CM dumarka; sidoo kale culayskiisuna yahay Ragga 50-75Kg, Dumarkana 45-60kg.
  • Xubnaha noqonaya ciidamada cirka waa in uu dharerkiisu/keedu yahay 160-192 CM lab & dhadig ba; sidoo kale culayska Raggu yahay 50-75Kg, Dumarkana 45-60kg.
  • Heerka waxbarasho
  • Xubnaha noqonaya injineerada waa in ay barteen
    • Sayniska dabiiciga ah (Natural Science)
    • Waa in ay natiijada fasalka 10aad ee maadooyinka xisaabta, fiisikiska, kimistariga & ingliishka haystaan natiijo kasaraysa “C”
    • Ardayda imtixaanka fasalka 12aad qaatay 2010ka waa in ay haystaan dhibcaha Ragga 352 Dumarka 330.
    • Ardayda Imtixaanka fasalka 12aad qaatay 2011ka waa in ay haystaan isugeynta dhibcaha maadooyinka xisaabta, ingliishka, fiisikiska & aptitude ka dhibco kasareeya 166 dumarka, 176 Ragga.
    • Ardayda imtixaanka fasalka 12aad qaatay 2012ka waa in ay haystaan dhibcaha Ragga 380 Dumarka 368.
    • Ardayda jaamcadaha dawlada maadooyinka injineernimada & sayniska dhigata islamarkaasna natiijada waxbarashada jaamacada ee Sanadka 2012ka haysta
    • Ardayda 2012/2013 ka qalinjabisay waxbarashada jaamacada ee maadooyinka sayniska & xisaabta sida fiiskiska, kimistariga islamarkaasna haysata shahaadada jaamacada
    • Ardayda kuliyadaha farsamada darajada 4aad ka qalinjabisay 2012/2013 ee shahaada Level IV haysata, imtixaanka CoC gana qaadatay.
    • Dumarka si gaar ah ayaa loo dhiiri galinayaa in ay kamid noqdaan

 

 

 

More Information

Email Me Jobs Like These
Showing 1–0 of 0 jobs
ReCaptcha V3